[Text Only View] [Site Map]

Bristol

Tuesday, 06-Jan-2009
Home>How to Use the Service>Step 4 - Feedback

Step 4 - Feedback

Marka aad guri websaytka kaga gor-gortanto, waxa halkaasi kaaga muuqan doona halka aad safka jirto. Haddii aad gor-gortan-kaaga ku gudbiso tilifoon waxa laguu sheegi doonaa halka aad safka kaga jirto marka aad xaqiijisid faah-faahinta gor-gortan-kaaga. Waad eegi karaysaa halka aad safka kaga jirto waqti kasta muddada wareega xayeysiiska adiga oo gelaya xisaabtaada Login/My account  Waxay u eegtahay in ay isbedesho halka aad safka kaga jiraa muddada wareega waayo dad kale ayaa guriga ku gor-gortamaya. Sidaasi darteed, waxa laga yaabaa in aad go'aansato in aad bedesho gor-gortaanka oo aad ku gor-gortanto guryo aad safka meel ka saraysa kaga jirto.

Macluumaad ku saabsan guryaha lagu guulaystay in la kireeyo ayaa lagu baahiyaa websytka GuriDoorashada Bristol,  Cadadka Salaasada ee Jariidada (Bristol Evening Post) iyo wargeyska, kaas oo aad ka heli karayso Rugaha Adeega Macmiisha ee  Golaha Magaalada  Bristol dhammaantood. Waad ogaan kartaa tirada inta ruux ee ku gor-gortamya gurigg, iyo bandiga iyo taariikhda mudnaanta codsade-yaasha ku guulaystay haddii tagto kiraynaha Cusub  Recent Lets.

Wuxu macluumaadkani kaa siinyaa fikrad fiican sida guri gaar ah ama xaafadi ay caan u tahay iyo inta ay leegtahay muddada aad sugayso sida caadiga ah. Markaasi waxad go'aansan karaysaa in aad raadsato guri noocyo kale ah ama meelo aanda sugayn muddo sidaa u dheer.


 

Site powered by Abritas