[Text Only View] [Site Map]

Bristol

Tuesday, 06-Jan-2009
Home>How to Use the Service>Step 3 - Offer

Step 3 - Offer

Shamman gor-gortanada la helop si otomaatig ah ayaa sida ay mudnaanta u kala leeyihiin loogu kala horaysiiyaar, taas oo waafaqsan sida uu dhigayo nidaamka bandiyado iyada weliba xisaabta lagu darsanayo wixii xaq u yeelad ku salaysnaa ee lagu sheegay xayeysiinta guriga,  si loo soo saaro liis codsade-yaasha xaqa u-leh guri kasta oo la xayeysiiyey. Wixii macluumaad sheeraad ah oo ku saabsan nidaamka bandiyada, waxad ka eegtaa Mudnaan-siinta Prioritising applications

Marka wareega gor-gortanka la xidho, guri-kireeyaha ku shaqada leh ayaa eegi doonaa liis kooban ee codsade-yaasha gurigaasi danaynaya. Xaaladaha intooda badan waxa guriga la siiya cidda lisska ugu saraysa. Haddii aanu guri-kireeyuhu awoodi karayn in uu guriga siiyo codsadaha liiska ugu sareeya waxa loo eego doonaa cadsadaha lisska ku xiga,  iyo sidaas oo kale. Codsadaha ku guulayustaa  wuxu fursad u heli doonaa in uu soo arko guriga ka hor inta aanu aqbalin.

Haddii aad diido guri laguu soo bandhigay, sida caadiga waxa hoos laguu dhigi doona bandi muddo 6 bilood ah.   Haddii aad dareensan-tahay in aanu guriga lagu siiyey macquul ahayn oo aanu kugu haboonayn, waxad xaq u leedahay in go'aankaasi dib loo hubiyo.   Waxa loo bahan-yahay in aad usoo gudbiso codsi-gaaga dib hubinta iyo sababaha aad ku diiday oo qoraal kooxda GuriDoorashada Bristol.  Haddii aad u baahan-tahay in arintaasi lagaa caawiyo, waxa weeye in aad la xidhiidho Rugaha Adeega macmiisha.  

Haddii guri laguu soo bandhigo, lagugu darimaayo liiska kooban ee guryo kale ilaa iyo inta aad go'aan aqbalid ama diidmo ah ka gaadhaysid guriga laguu soo bandhigay.

Haddii aad aqbasho guriga, guri-kireeyaha ku shaqada leh ayaa kuu samayn doonaa ballan aad ku saxeexi doonto heshiis kiraysi oo aad ku qaadato furayaasha.

Site powered by Abritas