Bristol

Tuesday, 07-Sep-2010
Home>Who Can Use HomeChoice Bristol

Who Can Use HomeChoice Bristol

 

Qofkasta oo loo ogolaaday  Diiwaaan-gelinta  Guriyeynta Bristol wuxu awwodi karaa in uu isticmaalo adeega. Si aad u codsato in lagugu saro Diiwaanka Guriyeynta waa in ay da'daadu ka weyn-naato 16 jir.

Waxa loo bahan-yahay in aad buuxiso foom codsi, kaas oo aad ka heli karayso Rugta Adeega Macmiisha ama waxad codsiga ku buuxin karaysaa khdka internetka.  Foomka codsigu wuxu kuu suurta-gelinyaa in aan dalbato guri kiro ah oo uu leeyahay Kawnsalku ama Urur Guriyeyn. Faah-faahinta sida aad noola soo xidhiidhayso iyo saacadaha aanu furanahay waxad riixdaa badhanka  How to contact us.
 
Waxa loo baahan-yahay in aad codsi-gaaga soo raaciso waxan soo socda:

  • Caddayn aqoonsi ayaa laga rabaa dhammaan xubnaha guriga kula degan (tussaale ahaan. basaabooro, shahaadado dhalasho).
  • Caddyn cinwaan-kaaga iminka (tusaale ahaan xaashado aad gaas ama koranto ku bixisay).
  • Caddyn in aad xaq u leedahay deganaansha UK haddii aanad haysan dhalasho Ingriis ah
    (e.g. passport and other relevant documents from the Home Office)

Ka hor inta aan guri laguu soo bandhigin waxa loo baahan-yahay in aad keento xaashado dheeraad ah oo aad ku taageerayso codsi-gaaga. Waanu kuu sheegi doonaa waxa ay yihiin xaashadaha lagaa rabaa iyo goorta aad keenayso.

Waxa loo baahan-yahay in aad codsi-gaaga soo raaciso waxan soo socda:


Once the documents are received your application will be assessed and placed in the appropriate band.Click  Prioritising Applications wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan nidaamka bandiyada.

Cidee Ayaan isticmaali karayn adeega?

Ma isticmaali karaysid adeegan haddii aad aanad buuxin foom codsiga oo aan laguu ogolaan diiwaan-gelinta guriyeynta.

Waxa weliba jira dadka qaar aan sharci ahaan xaq u lahayn in ay ku biiraan diiwaanka guiyeynta. Waxa weeye kuwaasi:

  • Dad qaarkood oo u xayiran Xakamayn Socdaal sida uu dhigayo sharciga Magan-geloyo-raadinta iyo Qaxootiga ee 1996.
  • Dad gaar ka yimi debedda kuwaas oo aan u xayirnayn Xakamayn Socdaal laakiin aan deganaansho ahaan ugu negayn Uk, the Channel Islands, the Isle of Man ama the Republic of Ireland.
  • Dad (ka mid ah xubna guriga kula jira) kuwaas dembi akhlaaq xumaha galay taas oo ka dhigtay in aanay ku haboonayn in ay noqdaan kirayste.

Wixiii macluumaad dheeraad ah waxad kala xidhiidhaa kooxda GuriDoorashada Bristol ama Rugaha Adeega Macmiisha midkood.

Site powered by Abritas